Home Wararka Maanta Saciid Deni oo Qayladhaan U dirsaday Beesha Caalamka Xili Dowlada Soomaaliya oo...

Saciid Deni oo Qayladhaan U dirsaday Beesha Caalamka Xili Dowlada Soomaaliya oo Dhuunta Qabatay

0

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qeylo-dhaan uu u diray saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa u ku dalbaday inay xaqiijiyaan in si cadaalad ah oo siman loo qaybsado deeqaha iyo gargaarka horumarineed, isaga oo eedeyn culus u jeediyey dowladda federaalka.

Codsigan oo loo diray hay’ado iyo dalal badan oo caalami ah, ayuu Deni hoosta kaga xariiqay welwelka weyn ee uu ka qabo wax uu ugu yeeray “siyaasadeynta sii kordheysa ee deeqaha” ee dowladda federaalka.

Saciid Deni waxa uu qeylo dhaan ka muujiyay lacagaha ka yimaada deeq bixiyayaasha caalamka oo uu sheegay in dowladda federaalka ay adeegsato ajandayaal siyaasadeed, taasi oo uu ku andacoonayo inay socotay tan iyo markii isaga dib loo doortay.

“Siyaasadeynta mashaariicda Puntland loo qoondeeyay, barnaamijyada iyo taageerada miisaaniyadeed waxay socotay 18-kii bilood ee u dambeeyay,” ayuu yiri Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa sheegay in la isku dayey in uu arrintan xal kala gaaro dowladda federaalka iyo bankiyada horumarinta balse aanu ku guuleysan.

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey dowladda federaalka inay billaabeen olole war xumo tashiil ah iyo warar been abuur ah, oo la doonayo in lagu qalqal geliyo dowlad goboleedka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Deni ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la helo hanaan loo wada dhan yahay oo ku saabsan deeqaha dibadda, ganacsiga, heshiisyada, kheyraadka dabiiciga ah, iyo arrimo kale ee waaweyn ee saameynta ku leh danaha dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, oo ay ku jirto Puntland.

Waxa uu ku dooday in falalka Muqdisho ay iska indha tirayaan waajibaadkii dastuuriga ahaa, iyo xaaladda taagta daran ee qaranka, taasi oo halis gelin karta xasiloonida iyo midnimada Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Marka la eego xaaladdan halista ah, waxaan ka codsanaynaa saaxiibadeena caalamiga ah inay garwaaqsadaan culeyska xaaladdan,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

“Waxaan codsaneynaa in la sameeyo hannaan beddel ah oo awood u siinaya bankiyada horumarinta inay si toos ah u caawiyaan oo ay u taageeraan Puntland, kana madax-banaan siyaasadda Muqdisho.”

Qeylo-dhaanka Deni ayaa imaneysa ayada oo Puntland ay wajaheyso xaalad dhaqaale xumo oo liidata, xilli ciidamada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha maamulka aan mushahar la siin muddo bilo ah.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dowladda federaallka ay Deni ka jartay qaar ka mid ah qoondadii Puntland ay ku laheyd deeqaha caalamiga ah, halka qaar kalena lagu dhibo.

Puntland ayaa horey u sheegtay inay u macaamileyso si ka madax-banaan dowladda federaalka, hase yeeshee beesha caalamka ayaa weli deeqaha u soo marisa dowladda federaalka.

Ad
Previous articleWasiir Roobow oo si yaab leh uga jawaabay eedda loo jeediyay
Next articleMucaaradka oo Shir Xasaasi ah oo Ka dhan ah Xasan Shiikh Laqaatay James Swan