Home Wararka Maanta Sababta Loogu Dilay Najma Cabdullahi Hargaysa oo La Shaaciyay

Sababta Loogu Dilay Najma Cabdullahi Hargaysa oo La Shaaciyay

0

Booliska magaalada Hargeysa ayaa xiray sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Soomaaliland oo loo haysto inuu xalay toogasho ku dilay haweenay da’ yar oo aroosad ahayd, sida uu BBC-da u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan booliska.

Cadullaahi Maxamed Cali oo ah Najma aabbaheed oo ay BBC-du la xiriirtay ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu dhacay dilka gabadhiisa. Wuxuu sheegay in iyada oo saaran gaari uu askarigu xabbad madaxa uga dhuftay.

“Waxaa u yimid gaari alaab u siday oo waddada ku siinayay kaddib ninkan ayaa guriga kaga soo baxay oo xaafadaha ka soo horjeeda ah. Wuxuu ku yiri ‘ka dhaqaaq meesha’ sida la igu yiri, deetana wuu dhaafay oo waxay ku tiri ‘gaariga baan alaab kale ka qaadanayaa’,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Wuxuu intaa ku daray in inanta iyo walaalaheed ay ka soo noqdeen guriga habaryarteed oo ay ku soo wada ciideysteen. Sida uu tilmaamay, soo-noqoshadooda qoyska wuxuu isu qeybiyay labo; koox waxay soo raacday taksi, kooxda kalena Najma ayaa soo qaadaysay.

 Maxay tahay sababta loo dilay?

Cabdullaahi ayaa mar aan waydiinnay waxa ka jira in gabadhiisa loo dilay hiillo wuxuu yiri: “Waxa uu u dilay hiillo uu walaashii u hiillinayo kaddib markii ay gabadheyda dagaallameen.”

Cabdullaahi ayaa sheegay in uu doonayo in sharciga la waafajiyo oo tallaabo laga qaado ninka dilka geystay.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay oo laga duubay Najma aabbaheed oo careysan ayay dad badan ka fal celiyeen.

Dhinaca kale, Cabdullaahi ayaa sheegay in walaalkeed oo la socdayna uu xabbad dul mariyay, balse haatan gacanta lagu hayo ‘gacan ku-dhiiglaha’ iyadoo laga soo qabtay dhinaca Dab-damiska.

Ad
Previous articleAl Shabaab oo Markale shaacisay Tirada Ciidamada ATMIS uga Dileen Weerarkii saakay
Next articleShiikh Aadan Madoobe oo Amniga Doorashada la wareegay, Digniina Siiyay Taliyayaasha Booliska iyo Milateriga(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here