Home Wararka Caalamka Ruushka: ‘Waxaan soo ridnay diyaarad sidday hub iyo shixnado militari’

Ruushka: ‘Waxaan soo ridnay diyaarad sidday hub iyo shixnado militari’

0

Ruushka ayaa sheegay in ay soo rideen diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay dalka Ukraine oo sidday hub iyo rasaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradda xamuulka ee Ukraine lagu soo riday meel u dhow dekedda Odesa ee Ukraine.

Moscow ayaa sidoo kale sheegtay in ay weerar gantaalo ah ku qaadday dhowr bartilmaameed oo ay ku jiraan xaruun lagu tababaro ciidamada madaafiicda Ukraine oo ku taal Stets-kovka oo u dhow Sumy.

Ruushka ayaa sheegay in macallimiin ajaanib ah ay xaruuntaasi ka shaqeeyeen.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhiigga Ruushka Igore Konashenkov wuxuu sheegay weerar dhinaca gantaalaha oo ay ciidamadoodu fuliyeen in lala beegsaday bartiilmameedyo ay ka mid yihiin fariisimaha ciidamada Ukraine iyo xaruumo ciidmada Ukraine lagu tababaro.

 

 

Ad
Previous articleShir caalami ah oo ay ka soo qayb galeen 14 dal oo ay Somaliland martigelisay
Next articleSanad kadib Xujeydii ugu Horaysay ee Ka Timid Dibada oo Gaaray Dalka Sacuudiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here