Wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergey Lavrov ayaa ka digay in haddii uu qarxo dagaalka saddexaad ee adduunka, uu noqon doono mid la isku adeegsado hub Nukliyeer ah oo lagu hoobto.
Hadalkan oo ay werisay wakaaladda wararka RIA ayaa yimid maalin kadib markii Lavrov uu shirka hub dhigista ee Geneva, oo uu uga qeyb galay hab fogaan arag ah, ka sheegay in dalka Ukraine, oo Russia ay ku duushay toddobaadkii tegay, uu raadinayo hub Nukliyeer ah.
Lavrov ma bixin wax caddeymo ah marka laga reebo inuu yiri “Ukraine waxay weli haysataa taknoolajiyaddii Nukliyeerka ee Soviet-ka, waxaana ka go’an inay soo saarto hub nocoaas ah.”
Wasiirka arrimaha dibedda ayaa sidoo kale sheegay in Russia ay wajihi doonto “halis dhab ah” haddii Ukraine ay hesho hub Nukliyeer ah.
Ruuska ayaa Ukraine ku qaaday duulaan dhul, cir iyo bad ah Khamiistii tagtay, kaasi oo ahaa duulaankii ugu weynaa ee dal Yurub ah uu ku qaado dal kale oo Yurub ah, tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Tallaabadan ayaa waxaa ka jawaabay dalalka Reer Galbeedka, oo xayiraado dhaqaale oo xooggan saaray Ruushka, sidoo kalena Ukraine siiyey gargaar hub ah iyo mid bani’aadamanimo.
Dowladda Mareykanka ayaa Talaadadii ku dhowaaqday inay hawadeeda ka mamnuucday dhammaan duulimaadyada Ruushka, kadib markii tallaabo taas la mid ah ay qaadeen Midowga Yurub iyo Canada.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa Axaddii wuxuu heegan geliyey ciidamadiisa Nukliyeerka, taasi oo cabsi ka abuurtay dunida, sarena u qaaday in xiisadda ay hoggaamin karto dagaal Nukliyeer ah.