Home Wararka Caalamka Ruushka oo Xabad joojin Degdeg ah uga Dhawaaqay Dagaalkii Ukrain

Ruushka oo Xabad joojin Degdeg ah uga Dhawaaqay Dagaalkii Ukrain

0

Wasaaradda gaashaandhigga ee Ruushka ayaa labo magaalo oo ku taalla Ukraine uga dhawaaqday xabad joojin ku meel gaar ah iyo inay fureyso marinada gargaarka lagu gaarsiinayo shacabka laga bilaabo 10:00 subaxnimo wakhtiga Moscow.

Mariupol waa deked leh, maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku hareereysnaa ciidamada Ruushka, sidoo kale waxay dagaallo ka dhaceen magaalada Volnovakha.

Mar sii horreysay duqa magaalada Mariupol wuxuu codsaday in shacabka loo ogolaado in halkaa ay isaga baxaan kadib waxa uu ku tilmaamay go’doominta ciidamada Ruushka ee magaalada.

Qaraxyo dhowr ah ayaa sidoo kale laga maqlay magaalada Kharkiv oo ay weli ka socdaan dagaallo iyo duqeymo xoogan.

Dhinaca kale xoghayaha arrimaha Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Ukraine ay dagaalka kaga adkaan doonto Ruushka.

Ma uusan soo hadal qaadin xilligga lais dhihi karo wuu soo afjarmayaa dagaalka balse wuxuu sheegay in aanay soo dhaweynin jab soo gaara Ukraine.

Blinken wuxuu ammaanay ‘adkeysiga aan caadi aheyn’ ay muujiyeen shacabka Ukraine.

Wuxuu sidoo kale in Ruushku uu isku dayo in uu afgembiyo dowladda Ukraine ay shacabka dalkaas si weyn uga soo horjeesan doonaan.

“Haddii ujeeddadu Ruushka ay tahay inuu isku dayo inuu afgembiyo dowladda si uu hirgeliyo dowladda uu isaga wato, 45 malyan oo shacabka Ukraine ah ayaa kasoo horjeesan doonaa” ayuu yiri Blinken

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa
Ad
Previous articleGudigii loo Xil saaray Qiimaynta Garabahaareey oo War Cusub Soo Saaray
Next articleWar Cusub oo Horleh oo kasoo Kordhay Cunaqabataynta Maraykanku Saaray Madaxda Soomaalida