Home Wararka Caalamka Ruushka oo Sheegay inaan la Cafin Doonin Erayadii kasoo Yeeray Joe Biden

Ruushka oo Sheegay inaan la Cafin Doonin Erayadii kasoo Yeeray Joe Biden

0

Erayadii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu ku qeexay madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ee ahaa “dambiile dagaal” sababo la xiriira howlgalka militari ee Ukraine waa “mid aan la aqbali karin lana cafin doonin,” waxaa sidaas sheegay Kremlin-ka.

Biden ayaa Putin ku calaameeyey “dambiile dagaal” Arbacadii kadib markii uu daawaday muuqaallo argagax leh oo laga soo duubay duulaanka Ukraine.

Waxa ay aheyd markii ugu horreysay ee Biden uu weedhaas ku calaameyo Putin, waxaana madaxweynaha Mareykanka uu sii kordhiyey weerarkiisa isaga oo twitter-ka soo dhigay in Putin “uu argagax iyo burbur ka wado Ukraine isaga oo duqeynaya dhismooyin shacab iyo isbitaallada ay haweenku ku umulaan.”

Kremlin-ka ayaa jawaab caro leh ka bixiyey ereyada madaxweynaha Mareykanka.

“Waxaan aaminsannahay in oraahda noocaas ah ay tahay mid aan la aqbali karin oo aan la cafin karin oo ka timid madaxweyne dal, oo bambooyinkiisa ay dileen boqolaal kun oo qof oo dunida dacalladeeda ku kala sugan,” waxaa sidaas yiri afhayeenka Putin Dmitry Peskov.

Putin ayaa saddex toddobaad kahor duulaan baaxad weyn ku qaaday Ukraine, isaga oo sheegay in Russia ay dooneyso inay hubka ka dhigto militariga Ukraine, islamarkaana riddo dowladda ay Reer Galbeedka taageeraan.

Ad
Previous articleMaraykanka Oo kordhiyay Madaxda Soomaalida ee uu Xayiraada Kusoo Rogay(Aqriso)
Next articleCiidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo Qabtay Gaari Waxyaabaha Qaraxa laga Soo Buuxshay iyo Ragii Watay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here