Home Wararka Caalamka Ruushka Oo Muusibo lama Filaan ah kala Kulmay Dagaalkii UKrayn uu ku...

Ruushka Oo Muusibo lama Filaan ah kala Kulmay Dagaalkii UKrayn uu ku Qaaday

0

Duulaanka Ruushka ee Ukraine ayaa si lama filaan ah waxaa u hareeyey khaladaad istaraatiiji, kuwa xeeladeea, shidaal iyo cunno yari, gawaari dagaal oo laga cararay, diyaarado lasoo riday iyo dhimashada askar badan, waxaa sidaas shaaciyey khuburo Mareykan ah.

Hase yeeshee guuldarrooyinka Ruushka ee maalmaha hore ee dagaalka, oo ay ku jirto inay yareysteen sida ay Ukraaniyiinta uga go’an tahay inay dagaalamaan, ayaa hoggaamin kara in Moscow ay go’aansato inay oodda ka qaado dhammaan awoodaheeda, ayna si aan kala sooc laheyn u burburiso qeybo badan oo ka mid ah Ukraine, sida ay sheegeen khubarada.

Khubarada Mareykanka ee darsa militariga Ruushka ayaa sheegaya inay aad ula yaabeen maamul xumada Ruushka ee ololahan, oo ay ku luumiyeen boqolaal gawaarida dagaalka ah iyo in Ukraaniyiinta ay ka hortageen in ciidamada cirka Kremlin-ka ay maamulaan hawada.

“Haddii aad wax ku dheeli laheyd laba ama saddex asbuuc marka uu dagaalka socdo, waan fahmin lahaa,” waxaa sidaas yiri Scott Boston oo ah taxliiliye sare oo difaac oo ka tirsan hay’adda daraasaadka ee Rand Corp.

“Hase yeeshee, haddii aad noqotay qof ku kufay albaabka hore ee guriga laga galo, waxaa ku haysta arrimo kale,” ayuu yiri.

Khuburada Wasaaradda Gaanshaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka iyo kuwa qeybaha gaarka ah ayaa filayey in ciidamada madaxweyne Vladimir Putin ay si deg deg u burburiyaan awoodda Ukraine wax isaga caabin karto, ay waxyeeleyn karaan talisyada 200,000 ee askari ee Ukraine, ayna burburiyaan habka difaaca gantaalada.

Hase yeeshee arrimahaas oo dhan ma dhicin lixdii maalmood ee ugu horreeyey dagaalka. Sidoo kalena, inkasta aan la hayn tirada rasmiga ah, haddana skarti Ruushka ee la dilay, la dhaawacay ama la qabtay, ayaa u muuqata mid aad uga badan intii la filayey.

“Tani waa guuldarro sirdoon oo aad u weyn oo si baaxad leh u yareysatay iska caabinta Ukraine, islamarkaana fulinta militari ayaa aheyd mid aad u xun,” waxaa sidaas yiri Michael Vickers, oo ah kaaliyihii hore ee xoghayaha gaashnaadhigga Mareykanka ee arrimaha sirdoonka, oo ka hadlay Xarunta Istraatiijiyadda yo Daraasaadka Caalamiga ah.

Qiyaas ay sameeyeen khubaro militari oo ka tirsan Xarunta Atlantic Council’s Scowcroft Center ayaa tilmaamaysa in Ruushka ay guuldarro la taaban karo kala kulmeen inay deg deg u qabsadaan garoon diyaaradeed ku yaalla banaanka magaalada caasimadda ah ee Kyiv.

Dagaalkii ka dhashay gacan ku haynta ayaa ka dhigay garoonka mid ay aad u gaartay waxyeelo, taasi oo ka dhigan inaan loo adeegsan karin in lagu qabsado Kyiv.

Waxay sidoo kale sheegeen in khasaaraha Ruushka “ee diyaaradaha iyo helikobtarada laga riday ay aad uga badan tahay sidii la filayey,” sababtuna ay tahay inaysan burburin habka difaaca hawada ee Ukraine.

Boston wuxuu sheegay in Ukraaniyiinta ay weli adeegsanayaan diyaaradaha Drone-ka ee Turkish-ka ay sameeyaaen ee Bayraktar, si ay ugu burburiyaan gawaarida dagaalka Ruushka.

“Haddii drone-ka Turkish-ka ay gawaarida Ruushka haleelaan maalinkii hal ama laba jeer waa caadi, balse haddii la garaaco laba mar ka badan, wax ayaa ka khladan dhanka Ruushka,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa sheegay in Ruushka ay u muuqdaan inaysan si wanaagsan isugu xirneyn islamarkaana ay la’yihiin awood ay ku maareeyaan duulaanka.

Si kastaba, dhammaan khubarada ayaa isku raacsan in Ruushka ay soo rogaal celin karin. Horumarkii ciidamada Ruushka waa hakaday, balse taasi waxay u ogolaan kartaa inay xaliyaan dhibaatooyinka ka haystan dhanka sahayda, ayuu yiri Kirby.

Waxaa intaas dheer, waxay filayaan in niyadjabka Putin ee maalmaha hore ee dagaalka ay hoggaamin karto inuu oodda kasoo qaado dhammaan awooddiisa buuxda ee hubka gantaallada iyo cirka kuna sii daayo shacabka Ukraine, ayada oo wadata saameyn iyo Burbur Xoogan

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleLix Xildhibaan oo Wada Cusub oo Maantay lagu doortay Baydhabo aqriso Cida ay badaleen
Next articleArday Soomaaliyeed oo ka Cararay Dagaalada Ukarain oo Gaaray Yurub iyo Dowlada Soomaaliya oo Ka Hadashay