Home Wararka Maanta Ruushka oo looga dhawaaqay maalin baroordiiq qaran ah kadib Xasuuqii Daacish ka...

Ruushka oo looga dhawaaqay maalin baroordiiq qaran ah kadib Xasuuqii Daacish ka Gaystay Dalkaas

0

Ruushka ayay maanta u tahay maalin baroor diiq qaran ah kaddiib dilkii 133 qof oo lagu dhex dilay habeenimadii Jimcaha hool ku yaala magaalada Moosko.

Calanka ayaa hoos loo dhigay, waxa la joojiyay barnaamijyo badan oo horey u qorsheysnaa, warbaahintuna waxa ay dib u jadwaleysay warbixinnadii ay sii deyn jireen.

Sidoo kale 140 ayaa dhaawacmay kaddib markii dabley hubeysan ay galeen hoolka Crocus, halkaas oo ay rasaasta u fureen si aan kala sooc lahayn, kahor inta aanay dab ku qaban.

Kooxda Isku magacowda dawladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarka.

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa sheegay in la xiray dhammaan afartii nin ee weerarka fuliyay.

Hadal uu ka jeediyay telefishanka Sabtidi, ayuu Putin ku cambaareeyay xasuuqii dhacay oo ah kii ugu xumaa ee dhaca ka Ruuska muddo ku siman 20 sano, isagoo ku celiyay kuwa weerarka geystay ay doonayeen in ay u baxsadaan dalka Ukraine.

Kyiv way diiday in sinaba loola xiriiriyo kooxda weerarka qaaday.

Ad
Previous articleFarmaajo iyo Shiikh Shariif oo Kusoo laabtay Muqdisho kadib Shirkii Ka dhacay Garowe
Next articleNin madax-xanuun joogto ah ka caban jiray iyo wixii maskaxdiisa lagu arkay oo kaa Yaabin Doona

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here