Home Wararka Maanta Ruushka oo ku dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Maraykanka

Ruushka oo ku dhawaaqay Dagaal ka Dhan ah Maraykanka

0

Kremlin-ka ayaa Arbacada sheegay in Mareykanka uu qaaday dagaal dhaqaale oo ka dhan ah Moscow, taasi oo uu ku sifeeyey cunaqabateenada dalkaas loo saaray duulaanka uu ku qaaday Ukraine.

Dhaqaalaha Ruushka ayaa wajahaya xasaraddii ugu darneyd tan iyo burburkii Midowga Soviet ee 1991-kii kadib markii Reer Galbeedka ay cunaqabteyn curyaamisay saareen dhammaan hannaanka maaliyadda Ruushka, sababo la xiriira duulaanka Ukraine.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa cunaqabateenada Reer Galbeedka ku macneeyey “cadowtooyo waali ah” oo qastay suuqyada caalamka, wuxuuna ka digay in tani Ruushka ay ku qasbeyso inay u fakaraan si dhab ah.

Mar wax laga weydiiyey mamnuucidda uu madaxweyne Joe Biden kusoo rogay soo-dhoofinta shidaalka iyo gaaska Ruushka, Peskov wuxuu sheegay in Ruushka “uu weligiis ahaa siina ahaa doona qeybiye tamar oo la isku haleyn karo.”

“Moscow si dhab ah ayey uga fakari doontaa jawaabta ay bixineyso,” ayuu yiri Peskov.

“Xaaladdan waxay u baahan tahay taxliilin qoto dheer – go’aanadaas uu ku dhowaaqay madaxweyne Biden,” ayuu yiri Peskov.

Ad
Previous articleDadaalo Xal loogu Raadinaayo Khilaafka Madax Sare ee Hirshabeele oo Baladweyne Kasocda
Next articleDeg Deg: Axmed Macalin Fiqi uu ku dhawaaqay inuusan Musharax Xildhibaan ahayn