Home Wararka Caalamka Ruushka oo Gantaalihii ugu badnaa ku garaacay Dalka Ukraine Duqeyntii ugu Xumeyd

Ruushka oo Gantaalihii ugu badnaa ku garaacay Dalka Ukraine Duqeyntii ugu Xumeyd

0

Ruushka ayaa gantaalo ku garaacay Ukraine mowjadihii ugu weynaa ee toddobaadyo gudahooda, kuwaasoo waxyeello u geystay xarumaha korontada iyo kaabayaasha kale ee muhiimka ah inta lagu jiro cimilada qaboobaha.

Taliyaha ciidamada Ukraine Gen. Valerii Zaluzhnyi ayaa sheegay in Ruushka uu 69 gantaal ku riday xarumaha tamarta, ciidamada Ukrainena ay soo rideen 54 gantaal. Saraakiisha maxalliga ah ayaa sheegay in weerarro lagu dilay ugu yaraan laba qof agagaarka Kharkiv, magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine.

Weerarada ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan todobo qof oo ku kala sugan guud ahaan dalka, inkastoo khasaaraha weeraradu ay sii kordhayaan iyadoo mas’uuliyiintu ay qiimeynayeen dhacdooyinkii dhacay.

Ruushka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u diray gobollo bar tilmaameed ahaa habeen hore ka hor inta aan la ballaarin duqeymaha cirka iyo gantaalaha badda ku salaysan, ciidamada cirka ee Ukraine ayaa sidaas sheegay. dhawaaqa digniinta ah ee duullaanka cirka ayaa ka dhacay dalka oo dhan, militariguna waxay ka hawl galiyeen nidaamyada difaaca hawada ee Kyiv, maamulka gobolka ayaa sheegay.

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in weerarku uu waxyeello u geystay 18 dhismayaal la deggan yahay iyo 10 qaybood oo kaabayaal muhiim ah oo ku yaalla 10 gobol.

Ruushka ayaa weerarayey xarumaha tamarta iyo biyaha Ukraine ku dhawaad toddobaad kasta tan iyo bishii Oktoobar iyada oo ciidamadiisa dhulka ay la halgamayaan in ay dhulka qabsadaan oo ay hore u sii maraan. Duqa magaalada Vitali Klitschko ayaa ka digay koronto la’aan ka jirta caasimadda, isaga oo dadka ka codsaday in ay kaydsadaan biyaha.

Degmadda Koonfur-bari ee Kyiv ee Bortnychi, qarax ayaa dhulka la simay ugu yaraan hal guri wuxuuna jabiyay albaabada, saqafyada iyo daaqadaha dhowr kale oo ka ag dhawaa.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba ayaa ku tilmaamay weerarrada kuwo waxshinimo ah oo Ruushku aysan waxba ka faaiideynin.

In ka badan 10 bilood oo dagaal ah ka dib, Ruushka iyo Ukrain waxaa weli ka dhex socda dagaal aad u fool xun. Milateriga Ukraine ayaa dib u qabsaday dhul badan oo Ruushku horey u qabsaday oo ku yaal waqooyi bari iyo koonfurta dalkaas, waxayna sii wadaan inay iska caabiyaan isku dayga joogtada ah ee Ruushku ku doonayo inuu ku qabsado dhammaan gobolka Donbas.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Turkiga, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Madaxwaynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan, sida lagu sheegay

Duulaan ka Dhacay Duleedka Xudur oo Khasaaro lagu Gaarsiiyay Kooxda Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Taliska guutada 9-aad ayaa guulo ka sheegtay dagaal ka dhacay deegaanka Abagbeeday oo qiyaas ahaan 20 KM dhanka bari kaga beegan degmada Xudur ee

Xamsa Cabdi Barre oo Shacabka ugu Baaqay in loo Midoobe Dagaalka Shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in dalka uu ka socdo dagaal adag oo lagula jiro Kooxda Al shabaab uu tilmaamay in yihiin kuwa kasoo horjeeda nabadda iyo

Xasan Shiikh oo dib ugu laabtay Gobolka Shabeellaha Dhexe si uu u xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmahaan kusugnaa Caasimadda Muqdisho ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka ah KooxdaAl shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa

Ilhaan Cumar oo ka hadashey Qorshe looga Tarxiilayo Dalka Mareykanka

Xildhibaan Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Koongaraska Maraykanka, ayaa sharci-darro ku tilmaantay olole ay wadaan qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga iyo ganacsadaha Elon Musk, kaasi oo lagu doonayo in
Ad
Previous articleSaddexda Saxiix ee ugu horeeya Manchester United Bisha January kadib Fashilkii Cody Gakpo
Next articleMidowga Yurub oo Somalia siinaya taageero maaliyadeed oo culus siinaysa ciidamada qaranka Soomaaliya