Home Wararka Maanta Ruushka oo cayimay raashin uu siinayo Somalia

Ruushka oo cayimay raashin uu siinayo Somalia

0

ayaa sare u qaaday saadka cunnada uu u diro Afrika inkastoo ay bartilmaameed u yihiin cunaqabataynta reer Galbeedka, sida uu sheegay Madaxwayne Vladimir Putin oo ka hadlayey Shir Madaxeedkii Ruushka iyo Afrika.

Sida laga soo xigtey Putin, Afrika waxay heshay 11.5 milyan oo tan oo badarka Ruushka ah sannadkii hore, waxaana horraanba loo diray ku dhowaad 10 milyan oo tan sanadkan 2023.

“Annaga oo fahamsan muhiimadda ay u leedahay sahay cunto oo aan kala go’a lahayn dhanka horumarinta dhaqan-dhaqaale iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed ee dowladaha Afrika, waxaanu kordhinaynaa sahayda beeraha ee Afrika,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ruushka.

“Inkasta oo ay jirto cunaqabataynta sharci darrada ah ee lagu soo rogay waxa aan dhoofinno, taas oo si dhab ah u carqaladaynaysa saadka cunnada Ruushka, adkaynta gaadiidka daabulaya, caymiska, iyo lacagaha bangiyada,” ayuu raaciyey.

“Ruushku waxa uu had iyo jeer ahaan doonaa bixiye mas’uuliyad leh dhanka wax soo saarka beeraha, taasoo ay ku jiraan inaan lacag la’aan ku siinno dalalka u baahan,” ayuu Putin carrabka ku adkeeyey.

Maalintii Khamiista, Madaxwaynaha Ruushka ayaa 6 dal oo Afrikaan ah ugu yaboohay badar bilaash ah, isagoo xusay in shixnadahaasi ay diyaar noqon doonaan bilo gudahood.

Waa dalalka Burkina Faso, Zimbabwe, Mali, Somalia, Central African Republic, iyo Eritrea oo uu midkiiba heli doono 25,000 ilaa 50,000 oo tan oo xabuub ah, sida uu sheegay Putin.

Moscow waxay sidoo kale dabooli doontaa kharashka daabulitaanka iyo gaarsiinta shixnadaha, sida uu sheegay Putin.

Ad
Previous articleDowladda iyo mucaaridka Kenya oo xal wada gaaray
Next articleQarax ka Dhacay Dalka Pakistaan iyo Dad ka badan 30 Qof oo ku Dhintay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here