Home Wararka Maanta Ruushka oo Burburiyay Xargihii korantad ee Warshada Nukliyeerka ee ukrain

Ruushka oo Burburiyay Xargihii korantad ee Warshada Nukliyeerka ee ukrain

0

Ciidamada Ruushka ee duullaanka ku qaaday dalka Ukraine ayaa burburiyay xargihii korontada ee isku xirayay warshaddii hore ee Nukliyeerka ee Chernobyl iyo xarunta korontadda ee aaggaas.

Shirkadda tamarta ee dalka Ukraine, ayaa shaacisay in ciidamada Ruushka duqeyn la beegsadeen xirgihii korontada ee warshada nukliyeerka, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaaro kala duwan.

Warka kasoo baxay shirkada tamarta ee dalka Ukraine laguma aheegin korontada gabi ahaan aagaasi ka go’day iyo in kale,mana jiro ilo kale oo madax banaan oo warkaan xaqiijiyay.

Shirkadda maamusha adeegga korontada ayaa codsatay in injineerada loo ogolaado inay galaan goobta si ay qiimeyn ugu sameeyaan burburka ka dhashay duqeyntan lala beegsaday..

Ciidamada Ruushka ee dhawwaan qabsaday warshadda dhalisa quwadda korontada ee Zaporizhzhia,  warshaddaas ayaana soo saari jirtay ku dhawaad 20% korontada Ukraine, waxaana hada Ruushka gacanta ku hayaan warshadasai.

Ad
Previous articleKoonfurgalbeed oo Ka Hortimid Go’aan kasoo Baxay Gudiga Dorashooyinka Heer Federal
Next articleMaraykanka oo ku Dhawaaqay Talaabada Laga Qaadaayo Maamul Goboleedyada aan Beri soo Gabgabayn Doorashada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here