Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Rooble oo Cadaadis Xoogan Ku Haaya Kursiga Fahad Yaasiin Raadinaayo

Rooble oo Cadaadis Xoogan Ku Haaya Kursiga Fahad Yaasiin Raadinaayo

0

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa dhawwaan lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada kuraas katirsan kuwa gollaha shacabka , waxaana kuraasta qaar tartankooda ka taagan muran xooggan.

Taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ahna ninka ugu awoodda iyo saameynta badan dowladda federaalka ayaa kursiga xildhibaanimo uu doonayo waxa uu yaalaa magaalada Baladweyne, halkasa uu doonayo in uu uga soo qaato xoog iyo xeyladba.

Warar hoose oo la helayo ayaa sheegaya in Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble doonayo in doorashada kursiga uu hada ku fadhiyo Xildhibaan Faarax C/Qaadir uuna doonayo Fahad Yaasiin dib loo dhigo .

Rooble ayaana wararku sheegayaan in guddiga doorashada ku cadaadinayo in dib u dhigaan doorashada kursiga HOPO86 uu u sharaxan yahay Fahad Yaasiin si loo xaliyo khilaafka ka taagan kursigan.

Guddiga doorashada Hirshabelle uu saameyn badan ku leeyahay Fahad Yaasiin ayaana la ogeyn in ay aqbaleyn iyo in kale codsiga Ra’isul wasaaraha ee ku aadan in dib u dhigaan dooarshada kursigan Fahad Yaasiin ka dhigan rabo xasaanada.

Ad
Previous articleRa’iisal wasaare Rooble oo dalbaday in dib loo dhigo kursiga uu u tartamayo Fahad Yaasiin
Next articleGudoomiyaha Baarlamaanka Koonfurgalbeed oo Qaatay Shaahadada Musharax Golaha Shacabka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here