Home Wararka Maanta Rooble oo ka hadlay in Fahad Yasin laga Reebo Xildhibaanada La Shaaciyay

Rooble oo ka hadlay in Fahad Yasin laga Reebo Xildhibaanada La Shaaciyay

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maaxmed Xuseen Rooble waxa uu u hambalyeynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT oo shaaciyay najiijada doorashada mudaneyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad ee JFS ee lagu soo doortay deegaan doorashooyinka kala duwan ee dalka si waafaqsan habraacyadii doorashada ee lagu heshiiyay.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sidoo kale ku bogaadinayaa Dowlad-goboleedyada, Guddiyada doorashooyinka heer Dowlad goboleed ee SEIT iyo Guddiga xallinta khilaafaadka shaqadii adkeyd ee ay soo qabteen, waxa uuna rajeynayaa in ay doorashada xildhibaannada dhiman ee wadartoodu tahay 30 Golaha Shacabka ah loo soo dhammeystiro sida ugu dhaqsiyaha badan.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hambalyo iyo duco u dirayaa xildhibaannada cusub ee la shaaciyay isagoo u rajeynaya in Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda loo igmaday ee samata bixinta dalka.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ku adkeynayaa in ay ku taagnaadaan hirgalinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada ee ku eg 14-ka April, si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah, waxa uuna ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo ay khuseyso in ay guddiga ku gacan siiyaan gudashada waajibkooda.

Ad
Previous articleDeg deg: Gudiga Doorashooyinka Oo Shaaciyay Xildhibaanada Dhawaan lasoo Doortay kana Reebay Fahad yaasiin iyo Xubno kale
Next articleCiidamo Cusub oo Ka Howlgali Doona Soomaaliya oo Goordhow la Ansixiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here