Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in shalay, xalay iyo ilaa maanta ay ka da’ayaan roobab xoogan oo dabelyo wata, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar kamid ah dadka deegaanka..
Iimaan Cadow ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay kusoo dumeen dhismayaashii ay daganaayeen, wuxuuna tilmaamayn inay gurmad u sameeyeen.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in biyuhu ay jareen buunadadii magaalada oo muhiim u ahayd isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusay in weli ay xaaladdu cakiran tahay, isla-markaana ay da’ayaan roobabka oo saameynta ugu badan ku yeeshay qoysaska danta yar.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka maamul ahaan ay wadaan dadaallo loogu gurmanayo dadka ay waxyeelada soo gaartay, si loo caawiyo.
“Hadda waxaa ku jirnaa dadaaladdii aan wax kaga qabaneynay dadka dhaawaca ah intii dhimatayne waa la duugayaa laba nin baa dhimatay” ayuu mar kale yiri Iimaan Cadow.