Home Wararka Maanta Raysulwasaarihii Hore oo Ku taliyay in la Xakameeyo Dhaq dhaqaaqa NISA

Raysulwasaarihii Hore oo Ku taliyay in la Xakameeyo Dhaq dhaqaaqa NISA

0

Ra’iisul wasaarihii hore ee xukuumada Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaa’arke ayaa ka falceliyey qoraalkii kasoo baxay NISA oo shaacisay inuu socdo qorshe lagu maleegayo dilka madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka NISA ayaa lagu yiri Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh.”

Cumar Cabdirashiid oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa soo jeediyey in lasoo saaro tallaabo lagu xakeymayo NISA, si looga hor istaago dhaq-dhaqaaqa ay billowday.

Siyaasiga Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in NISA ay halis ku tahay dhammeystirka doorashada Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in digniinteedu muujineyso argagaxa N&N.

“Haddii aan la soo saarin tallaabooyin lagu xakameynayo Taliska NISA, Hey’addu waxay noqon doontaa Masrax laga soo maleego dhaq dhaqaaqyo halis ku ah Doorashooyinka”.

Sidoo kale wuxuu raaciyey “Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee Twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada.

Hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay dhaleeceyn xoogan la kulmeysa NISA oo xalay soo saartay digniin amni oo la yaab leh.

Si kastaba rrintaan ayaa kusoo beegantay xili siyaasaddaha Soomaaliya iyo arrimaha doorashada ay marayaan heerkii ugu cuslaa ee khilaafka hareeyay doorashooyinka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMuusi Suudi iyo Xildhibaanada kale ee maanta Qaatay Shahaadada Barlamaanka. (Sawiro)
Next articleXildhibaano Farabadan oo Maantay Qaatay Shahadada Xildhibaanimo(Akhriso Magacyada+Sawiro)