Home Wararka Maanta Raysulwasaare Xamse oo kulan la qaatay Farmaajo Maxay kawada Hadleen?

Raysulwasaare Xamse oo kulan la qaatay Farmaajo Maxay kawada Hadleen?

0

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo haatan booqasho ku jooga Qatar ayaa magaalada Dooxa kula kulmay madaxweyinihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Kulanka ayaa yimid, kadib markii uu ra’iisul wasaaruhua booqasho ugu tagay madaxweyne Farmaajo oo deggan dalkaasi oo uu isna hadda ku sugan yahay Xamza, kadib casuumaad uu ka helay madaxa sare ee dowladda Qatar oo taageerta Soomaaliya.

Labada mas’uul  ayaa iska xog-wareystay xaaladda guud ee dalka iyo guulaha laga gaaray dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha waddanka.

Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa sidoo kale adkeeyay doorka kaga aaddan shacabka iyo Madaxda Soomaaliyeed garab istaagga ciidamada ku howlan xoreynta dalka.

Dhankiisa, madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa uga mahadceliyey ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa booqashada iyo salaanta ay ugu tageen, waxa uuna u rajeeyey dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed horumar iyo midnimo.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah, isla-markaana dowladda federaalka ay ku mashquulsan tahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo haatan maraya meel wanaagsan.

Farmaajo ayaa kamid ah madaxdii hore ee dowladda federaalka ku taageeray gulufka culus ee ay ku qaaday kooxda Al-Shabaab, si looga xoreeyo dalka oo dhan.

Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada” ayuu horay uga yiri Farmaajo dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, horauy sidaan oo kale waxaa Dooxa ugu kulmay madaxweyne Xasan Sheekh iyo Farmaajo, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo arrimaha guud ee siyaasadda.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleAlshabaab oo Weerar Culus ku Qaaday Degaanka Nuur Dugle
Next articleMadaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo Sheegay in Qoor Qoor Alshabaab la Shaqeeyo