Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Gudoomiyaha Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Xili Doorashadu...

Raysulwasaare Rooble oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Gudoomiyaha Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Xili Doorashadu Dardar Ku Socoto

0
Ra’isul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe ayaa xafiiskiisa ku qaabilay kulan gaar ahna kula qaatay guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafadka doorashooyinka Heer Federaal Mudane Mohamed Cawil Warsame .
Kulanka dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo Maxamed Cawil ayaa ku saabsanaa is xogwaraysi ku saabsan arrimaha doorashada gollaha shacabka ee dalka ka socda iyo sidii loo dardargelin lahaa habsami u socodka, hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaana kula dardaarmay guddoomiyaha guddiga xallinta khilaafaadka doorashada in laga shaqeeyo cadaaladda ayna noqdaan guddiga kuwa u xaqsoora dadka si cadaalad ahna ugu shaqeeya dadka.
Kulanka ayaana imaanaya xili ay inta badan luntay kalsoonidii musharaxiinta iyo dadka kale ee cabashada ka qaba doorashada ku qabeen guddiga doorashada oo marar badan dacwado loo gudbiyay u maamulay si aan caddaalad aheyn.
Ad
Previous articleMusharixiinta Magacyada 13 kursi ee Baraawe oo La Shaaciyay iyo Xildhibaan Dalxa oo la Reebay
Next articleDeg deg Nabadoon Caan ahaa.oo Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here