Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magaalada Dubai kula kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Isutagga Imaaraadka Carabta ahna Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Mudane Maxamed Bin Rashid Ala-Maktoum
Waxay labada masuul ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal sida lagu sheegay qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray shalay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo uu kulammo kula yeelanayo madaxda ugu sarreysa dalkaas.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal oo sanadahan mugdi ku jiray ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Ad