Home Wararka Maanta Raysulwasaare Rooble oo Amray inay Laamaha Amniga Talaabo Deg Deg ah Qaadaan(Sawiro)

Raysulwasaare Rooble oo Amray inay Laamaha Amniga Talaabo Deg Deg ah Qaadaan(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Roble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray hay’adaha amniga dalka, kadib falalkii argagixisadu xalay ka geysteen qeybo ka mid ah Muqdisho, isagoo faray hay’adaha amnigu in ay qaadaan tallaabooyin dheeri ah oo lagu xoojinayo amniga.

 

Waan ka xunahay wixii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, ra’iisul wasaaraha ayaa kulankan isugu yeeray,cadowga waxa ay isku dayayaan inay qalqal geliyaan amniga doorashooyinka.”ayuu yiri wasiirka Amniga Cabdulaahi Maxamed Nuur.

Wasiirka Amniga ayaa sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu warbixin ka dhagaystay madaxda amniga dalka isla markaana uu faray in wax laga bedelo adkeynta ammaanka.

Waxa uu ra’iisul wasaaruhu sheegay in isbedel muuqda ay shacabku dareemi doonaan inta lagu gudo jiro doorashooyinka iyo weliba bisha barakaysan ee Ramadan.

Kulankan ayaa imanaya xilli magaalada Muqdisho xalay laga dareemay cabsi xoog leh iyadoo saqdii dhexe xalay la maqlay rasaas iyo madaafiic qaar ka mid ah ay ku soo dhaceen degmooyin ka mid ah gobolka Banaadir.

 

 

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleKursigii uu Ku Fadhiyay C/Wali Muudeey oo Lagu Doortay Baraawe
Next articleWafdi Ka Socday Qaramada Midoobay oo Gaaray Dhuusamareeb iyo Qoor Qoor oo Qaabilay(Sawiro)