Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Kursigii uu Ku Fadhiyay C/Wali Muudeey oo Lagu Doortay Baraawe

Kursigii uu Ku Fadhiyay C/Wali Muudeey oo Lagu Doortay Baraawe

0

Waxaa saakay magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed ka socota doorashada kuraasta xildhibaanada gollaha shacabka gaar ahaan kuwa loo qorsheeyay in magaaladaasi lagu doorto.

Magaalada Baraawe ayaana maanta iyo beri lagu dooranayaa ilaa 13-kursi oo kamid noqonaya gollaha shacabka, waxaana kurasatan noqonayaan kuwii ugu dambeeyay ee lagu doorto magaalada Baraawe.

Kursiga tirsigiisu yahay HOP145 uu horey ugu fadhiyay guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka federaalka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey dhawwaana loo diiday in uu u tartamo ayaa goordhaw loo doortay Xildhibaan cusub.

Doorashada kursigan oo loo xiray musharax ay wadatay Villa Soomaaliya ayaa waxaa ku guuleestay nin qurbojoog ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabdalla Axmed oo helay 90-cod halka musharaxii malxiiska u ahaa uu helay 8-cod , waxaa halaabay 3-cod.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday  Cabdiweli Muudey ayaa loo diiday in kursigan u tartamo, Fahad Yaasiin oo hami kaga jiro in uu noqdo Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka ayaana la sheegay in tallaabadan ka dambeeyay.

Ad
Previous articleGudoomiyihii Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya oobis Casilay
Next articleRaysulwasaare Rooble oo Amray inay Laamaha Amniga Talaabo Deg Deg ah Qaadaan(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here