Siyaasiga Danish-Swedish ee xagjirka ah ee garabka midig ee Rasmus Paludan ayaa isu soo baxyo ku qabtay Stockholm iyo Uppsala. isagoo halkaasi ku gubay Quraanka kariimka.
Banaanka masaajidka Uppsala, rabshado kooban ayaa ka dhacay markii ay ka soo muuqdeen dad Paludan ka raacay baraha bulshada oo ogaaday inuu imanayo, sida ay booliisku sheegeen.
Dhowr qof oo aan hubeysneyn ayaa weeraray gaariga Paludan ka hor inta uusan kaxeynin, muuqaal laga soo duubay wargeyska Expressen ayaa muujinaya .
Horaantii maalintaas Paludan ayaa falal noocaan oo kale ah ka fulisay dhowr goobood oo ku yaala magaalada Stockholm iyadoo ay barbar socdeen dabaaldega 1-da May. Sida uu sheegay booliska magaalada Stockholm, arrimuhu si wanaagsan ayay u dhaceen.
Paludan waa loo diiday codsiyo ku aadan inuu qabto mudaaharaad ka dhaca Stockholm iyo Uppsala labadaba. Falalka Axaddii looma xisaabin inay yihiin isu imaatinka dadweynaha.
xiligag Easter-ka, Paludan waxa uu geestay falal kala duwan oo dad badan ku kaceen iyadoo rabshado badan ay wadanka ka dhaceen.