Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaarihii Hore ee dalka oo Guddiga Doorashada Tala Muhiim ah ujeediyay

Ra’isul Wasaarihii Hore ee dalka oo Guddiga Doorashada Tala Muhiim ah ujeediyay

0

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa hoygiisa ku qaabilay xubno ka tirsan Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo uu hogaaminaayo gudoomiyaha GHDHF mudane Maxamed Xasan Ciro.
Intii kulanku socday waxa laga wada hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa Doorasho daahfuran oo xasiloon.

Dhankiisa Raysawaare hore Cali Maxamed Geedi, Ahna musharax madaxwayne wuxuu Guddiga usoo jeediyay in ay xil iska saaraan cadaaladda iyo daahfurnaanta doorashada iyo talooyin iyo dardaaran la xidhiidha arimaha doorashada.

Waa talaabo kale oo ka mid ah qorshaha guddiyadu ay doonayaan in ay kula kulmaan murashaxiinta madaxtinimada, si loo dardar geliyo wada shaqaynta guddiyada iyo dhinacayda kala duwan ee danaynaya siyaasadda.

Ad
Previous articleGudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo La Magacaabay.
Next articleKiisaska dadka qaba Cavid19 oo sii Kordhaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here