Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo Hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska sannad-guurada 63-aad ee ka soo wareegtay markii ay xoroobeen Gobollada Koonfureed iyo israacii labada gobol ee dalka, taasoo asaas u noqotay curashada Jamhuuriyadda Soomaaliya 1-dii Luuliyo 1960.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkan xorriyaddiisa laga soo maray halgan dheer oo ay ku baxeen naf iyo maal ay quureen gabdho
iyo wiilal Soomaaliyeed oo xornimodoon ahaa, isla markaana jiilka maanta jooga looga fadhiyo ilaalinta heybadda Qaranka iyo in loo midoobo sidii cadowga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta dalka looga sifeyn lahaa, si ummaddeenu ay ugu noolaato nabad iyo baraare.

“Maalintan qiimaha badan ee 1da Luuliyo oo ku beegan 63 guuradii xornimada iyo midnimada ummaddeenna, waxay astaan u tahay midnimada iyo wadajirka Shacabkeena, waa maalintii ay dadkeennu xaqiijiyeen Jamhuuriyad Soomaaliyeed oo madax-bannaan”.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in dareenka midnimo iyo wadajireed uu ku dhex noolyahay quluubta guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, meel walba oo caalamka ay joogaan.

Ad
Previous articleRag kufsi iyo jir dil u geestay gabar oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
Next articleNin afartan sano la raadinayay oo la soo qabtay iyo sida uu uga badbaaday in la soo xiro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here