Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi ka shaqeeya aaska Madaxweynihii Hore ee...

Ra’isul Wasaare Rooble oo Magacaabay Guddi ka shaqeeya aaska Madaxweynihii Hore ee Dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska Qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo galabta ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda , Xildhibaanno, qeybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin;

1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
6. Eng. Cabdullaahi Abuuakar Xaaji (Carab), Xubin
7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
8. Cumar Cali Rooble, Xubin
9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray guddigan in ay si degdeg ah u guda galaan aaska Madaxweynihii hore Cali Mahdi

Liiska Wadamada laga Mamnuucay Galitaanka Dalka Mareykanka oo lasoo Bandhigay

Sida ku xusan qorshe ay diyaarisay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ee liiska casaanka ah, Mas'uuliyiinta dalkaasi ayaa qorsheynaya inay adkeeyaan sharciyada gelitaanka muwaadiniinta dhowr waddan oo Carbeed, sida ay sheegtay

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo
Ad
Previous articleMadaxweyne Farmaajo ” Muddo 3 Maalin ah Calanka ayaa hoos Loo dhigayaa
Next articleMadaxweyne Cali Mahdi uma geeriyoon Carona Balse waa Looga shakiyay