Ra’isul Wasaare rooble oo La kulmay Guddiyada Doorashada iyo Khilaafaadka

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo la kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka ayaa sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.

Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay Guddiyada qodobbo dhowr ay ka mid yihiin:

• Qaabka soo xulista ergooyinka iyo doorka odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah
• Xaqiijinta Qoondada haweenka ee 30%
• Dhaqaalaha ku baxaya doorashada
• Wadashaqeynta guddiyada doorashada iyo xallinta khilaafaadka iyo arrimo kale oo khuseeya doorashada iyo hufnaanteeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*