Home Wararka Maanta Ra”isul Wasaare Rooble oo La Kulmay Golaha Amniga Qaranka

Ra”isul Wasaare Rooble oo La Kulmay Golaha Amniga Qaranka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay u diyaar garowga Sugida Amniga doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka, kuwaas oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, Booliska AMISOM iyo Booliska UNka oo ka taageera dhinacyada farsamada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahad celiyey guddiga amniga doorashooyinka sidii ay uga qeyb qaateen sugidda amniga doorashooyinkii Aqalka Sare, isagoo kula dardaarmay in ay sii wadaan dadaalkooda wadajirka ah ee ku aadan sugidda ammaanka ergooyinka iyo dhinacyada ku howlan hirgelinta doorashada.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo war ka Soo saartay Doorashada Soomaaliya.
Next articleDhageyso Sanater C/xakiin Macalin Axmed oo si kulul uga hadlay Colaada ka taagan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here