Home Wararka Somaliya Galmudug Ra’isul Wasaare Rooble oo Kulan Deg Deg ah la qaatay Madaxda Maamul...

Ra’isul Wasaare Rooble oo Kulan Deg Deg ah la qaatay Madaxda Maamul Gobaleedyada Dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray daahfurnaanta doorashada iyo dardargelintooda,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ku boorriyay sida ay lagama maarmaan u tahay in la dhowro sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.

Madaxweyneyaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabelle ayaa caddeeyay in ay maalmaha soo aaddan bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Farmaajo oo u ambabaxay Wadanka Qadar
Next articleCiidamada Amniga oo Muqdisho ka bilaabay Howlgallo Xoogan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here