Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo Hambalyo udiray Dhalinyarada Soomaaliyeed

Ra’isul Wasaare Rooble oo Hambalyo udiray Dhalinyarada Soomaaliyeed

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa u diray dhalinyarada Soomaaliyeed hambalyo ku aadan sanad guuradii 78aad ee ka soo wareegtay markii la aasaasay Ururkii Xornimo doonka Soomaaliyeed ee SYL.

“78 sano ka hor, ayay 13 dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed aasaaseen urrukii SYL oo doorka ugu weyn ku lahaa in dalkeennu hanto xornimada aan maanta harsaneyno.Dhallinyaradii Soomaaliyeed ee xornimada horseeday waxa ay Soomaali dhaxalsiiyeen taariikh mug weyn oo ifeysa iyo tusaale Soomaalinimo, Gobanimo, Daljaceyl iyo Isku duubni.”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhalinyaradii horseeday halganka ay dunida iyo dadka Soomaaliyeedba bareen awoodda dhallinyarada iyo sida ay guulaha uga soo hoyn karaan dhinac walba, markii laga helo daacadnimo iyo isku duubni.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa udub dhexaadka dalkeenna, waxa ayna bulshada ka yihiin in ka badan 70%, taas oo ka dhigan in dalkeennu yahay dal dhallinyaro.”

Eng. Rooble ayaa xusay in Xukuumaddiisu iyadoo garowsan muhiimmadda dhallinyarada Soomaaliyeed ay mudnaan gaar ah siineyso horumarintooda iyo sidii loo xoojin lahaa ka qeyb galkooda dhinacyada kala duwan ee nolosha, si gaar ahna siyaasadda iyo hoggaaminta dalka.

“Da’ yarta Soomaaliyeed hablo iyo wiilalba waxaan ku boorrinayaa in ay kaalintooda qaataan, isku duubnaadaan oo dhexda u xirtaan sidii aan dalkeenna uga saari lahayn marxaladda adag ee uu marayo.”

Muqdisho oo Laga Ambabixiyay Ciidan ka tirsan Booliska oo ku Wajahan Jiidaha Dagaalka:- Sawiro

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi oo uu wehliyo Taliye ku xigeenka Sarreeye Guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed ayaa Magaalada Muqdisho ka sagootiyey Ciidamo Boliiska katirsan oo ku

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay hogaanka howlgalada ciidanka Cirka ee Somaliya :- Sawiro

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Hoggaanka Howlgallada Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa ka dhagaystay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada, gaar ahaan

Dowlada Somaliya oo Lagu Wareejinayo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar Akıncı

Somalia ayaa heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar Akıncı ee casriga ah ee Turkiga si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga dalka dagaalka ka dhanka ah Alshabaab. Akıncı waxay

Lacagta Dollarka Mareykanka oo Wajaheysa Hoos u Dhicii ugu Xumaa ee Taariikhda

Dollarka Mareykanka ayaa wajahaya hoos u dhicii ugu xumaa tan iyo sanaddii 2008-da, iyadoo ay sii kordhayso welwelka ku saabsan in siyaasadaha dhaqaalaha iyo arrimaha dibadda ee aan la saadaalin

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,
Ad
Previous articleMadaxweynaha Jabuuti oo Maanta la caleema saarayo
Next articleRa’isul Wasaaraha Soomaaliya oo Ku sugan Munaasabada Caleema saarka Madaxweynaha Jabuuti (Sawiro)