Home Wararka Somaliya Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta la caleema saarayo

Madaxweynaha Jabuuti oo Maanta la caleema saarayo

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii shanaad loo caleemo-saarayaa xilka Madaxweynaha, kaddib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee bishii hore ka dhacay dalkaas.

Madaxda ka qeyb galeysa Munaasabadda Caleemo-saarka Madaxweyne Geelle ayaa waxaa kamid ah Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’isul Wasaareyaasha dalalka Itoobiya iyo Rwanda Abiy Ahmed iyo Edouard Ngirente.

Sidoo kale waxa  ka qeyb galaya Munaasabadda, Madaxweynaha Guine Alpha Conde, madaxweyne ku xigeenka South Sudan iyo xubno sare oo ka socda dalalka Uganda, Kenya, Pakista, Turkey, Sucuudiga, iyo France.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa helay 98.41% codkii dadweynaha reer Jabuuti doorashadii bishii April, waxaana la tartamay gacansade Zakariye Ismaaciil Faarax oo helay 1.59% tirada guud ee doorashadaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo 73-jir ah ayaa dalka Jabuuti soo xukumayay tan iyo sanadkii 1999.

Ad
Previous articleSawiro: Madaxweynaha Galmudug oo soo gaaray Magaalada Gaalkacyo
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Hambalyo udiray Dhalinyarada Soomaaliyeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here