Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Rooble oo go’aan ka gaaray doorashada Goballada Waqooyi.

Ra’isul Wasaare Rooble oo go’aan ka gaaray doorashada Goballada Waqooyi.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada aqalka sare oo manta qaar kamid ah Xubnaha aqalka sare la doortay.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu sidoo kale soo gabagabeeyay wadatashiyadii uu la lahaa Guddoomiyah Aqalka sare iyo RW ku-xigeenk dalka ee xal u helista doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobollada Woqooyi

Sidoo kale waxaa uu sheegay Afhayeen Macalimu in Ra’iisul Wasaaraha uu ka dalbaday dowlad Goboleedyda kale ee dalka kajira inay deg deg u bilaabaan doorashada aqalka sare si lamid ah Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Warkaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya xilli dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay bilaabeen doorashada Aqalka Sare.

Ad
Previous articleGalmudug iyo QM maxay ka wadahadleen Maanta ?
Next articleSawiro: Ciidanka Galmudug oo soo bandhigay Rag Shabaab ka tirsan iyo Hubka ay Wateen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here