Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si wadajir ah caawa kulan kula qaatay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhalinyarada Reer Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay Amniga, dib u heshiisiinta iyo arrimaha doorashada.
Ra’isul Wasaaraha ayaa inta uu joogo Dhuusamareeb waxuu Xoojin doonaa Sidii Galmudug Looga bilaabi lahaa Doorashada Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka JFS.
Ad