Home Wararka Maanta Raisal Wasaare Rooble oo Sharuudo Aqbalay iyo Heshiis hor dhac ah oo...

Raisal Wasaare Rooble oo Sharuudo Aqbalay iyo Heshiis hor dhac ah oo lala gaaray Musharixiinta

0

Xog aan ka helnay waan-waantii laga dhex-waday golaha midowga musharaxiinta iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegeysa in is-faham laga gaaray xalay.

Ilo ku dhow dhow xubnaha Ergada waan-waanta ka dhex wada Ra’iisul Wasaaraha iyo Murashaxiinta Mucaaradka ayaa u sheegay warbaahinta in dhinacyada ay ku heshiiyeen inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan Hotelka Decale, kulankaas oo ay ka qeyb-galayaan Midowga Musharaxiinta, Ra’iisul Wasaaraha, iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in is-afgaradka uu yimid kadib markii Rooble uu aqbalay laba ka mid ah ah saddex qodob oo ay soo gudbiyeen musharaxiinta. Qodobadan ay musharaxiintu ku xireen la kulanka madaxdaas ayaa kala ahaa:

1- In la cambaareeyo, raalli gelin laga bixiyo wixii dhacay 19 Febraayo.
2- In bannaan baxa la ogolaado.

3- In shirarka wadatashiga qaran laga qeyb geliyo Murashaxiinta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa aqbalay labada qodob ee hore, balse qodobka saddexaad ee ka qeyb-galka shirarla ayuu sheegay inuu yahay mid ku xiran madaxweynaha, oo gacantiisa ka baxsan.
Arrintan ayaa imaneysa in ayada oo Golaha Midowga musharaxiinta Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ay mar kale ku celiyey in banaan-baxa ay dhigayaan Jimcaha soo socda, iyagoo sharci darro aysan aqbali doonin ku tilmaamay go’aankii ay shalay xukuumadda xil-gaarsiintu ku sheegtay in wax banaanbax ah aan Muqdisho lagu qaban karin.

Dalalka Ruushka iyo Ukraine oo iska bur-biriyay Kaabayaasha Dhaqaale ee Muhiimka

Dowladaha Ruushka iyo Ukraine, ayaa wali sii wada duqeymo culus ay is dhaafsanayaan, kuwaa oo waxyeelo xooggan gaarsiiyay kaabayaal dhaqaale oo labada dalba muhiim u ahaa. Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin

Furuumaha Dagaalka ee Dowlada oo loo diray Dhaqaatiir iyo Gurmad Xoogan

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo daawo luugu tala-galay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah

Dowlada Somaliya oo ka hadashey isku day dil uu ka badbaaday Madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay ka badbaaday qarax lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo galbineysay, xilli uu ka baxay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kuna sii jeeday farumaha hore ee

Dowlada Somaliya oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qabanayo doorashada goleyaasha degaanka

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane Abdikarim Ahmed Hassan, G/ kuxigeenka Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah Xubnaha guddiga ayaa si wada jir ah u

Dagaal ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ku dhexmaray Togga Miiraale oo Warar laga helayo

Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish oo ka dhacay aagga Togga Miiraale ee buuraha Calmiskaad, ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac ah. Inta la
Ad
Previous articlePuntland oo Mamnuucday banaanbaxyo laga abaabulayo Magaalada Boosaaso
Next articleQaban qaabada Shir Dhaxmari doona Ra’isul Wasaaraha iyo Mucaaradka oo soconaya