Home Wararka Maanta Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay Madasha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya {SAWIRO}

Ra’iisul Wasaare Rooble oo furay Madasha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya {SAWIRO}

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta furay Madasha Arrimaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabishay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee XFS.

Madashan oo ay ka soo qeyb galeen wakiillada Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarka ka shaqeeya ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ka sheegay in roobabkii la filayay ee baaqday ay sababeen cunto yari iyo abaaro, taas oo keentay xaalad bani’aadamnimo oo sii xumaaneysa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed, Beesha Caalamka iyo Hay’adaha gargaarku in ay gurmad deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu saameeyeen,si looga hortago macluul la mid ah tii dalka ka dhacday sanadkii 2011.

Ad
Previous articleGuddiga Doorashada Galmudug oo ku dhawaaqay Jadwalka Doorashada Labada Kursi ee Aqalka sare
Next articleMadaxweyne Farmaajo oo ku wajahan Wadanka itobiya si uu uga qeyb galo Shir looga hadlayo Xaaladda Dalalka Itoobiya & Suudaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here