Home Wararka Maanta Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble oo Cambaareeyey Falka foosha xun ee Itoobiya ku...

Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble oo Cambaareeyey Falka foosha xun ee Itoobiya ku kacday

0

DEGDEG: Ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cambaareeyey Falka foosha xun ee Itoobiya ku kacday, wuxuu yiri.
————————-
Waa wax lala yaabo aadna looga xumaado ficilka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia kaas oo xadgudub cad ku ah Qaranimada Soomaalliyeed sidoo kalena xasillooni darro ka abuuraya Gobolka Geeska Afrika.

Ilaalinta Gobonimada iyo Siyaadada Qaranka Soomaaliyeed waa Mas’uuliyad Dastuuri ah oo Dadka Soomaaliyeed ay u Wakiisheen Dowladdooda.

Ficil kasta oo halis galinaya mabaadi’daas waa in dowladdu ka qaaddo talaabo cad oo u dhiganta falka ay ku dhaqaaqday dowladda Ethiopia.

Go’aannada masiiriga ah ee taabanaya Madaxbanaanida Qaranka waa in aan meel uga soo wada jeesanno isla markaana ka hortagno damaca Ethiopia ay ku doonayso in ay ku boobto qayb ka mid ah dhulka iyo biyaha Soomaaliya taas oo ah dhaxal ay leeyihiin ubadkeennu.

Waxaan rajeynayaa in Xukuumaddu ay qaadato go’aan u qalma ficilka xadgudubka ah ee kasoo yeeray Adis-ababa.
Dadka Soomaaliyeed waxaan u rajeynayaa in ay muujiyaan isku duubni xilligan adag.

Wabillaahi Towfiiq

Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Wasiirada Soomaaliya oo Shir Deg Deg ah laisugu yeeray kadib Heshiiskii uu Muuse biixi Bada Ku Siiyay Itoobiya
Next articleFarmaajo oo Si Adag uga Hadlay Damaca Itoobiya ee Bada Soomaaliya iyo Saxiixii Muusa Biixi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here