Home Wararka Somaliya Galmudug Rag Ka Tirsanaa Alshabaab oo Ka Badbaaday Weerarkii Xalay Ka Dhacay Duleedka...

Rag Ka Tirsanaa Alshabaab oo Ka Badbaaday Weerarkii Xalay Ka Dhacay Duleedka Xarardheere oo nolosha lagu Soo Qabtay(Sawiro)

0

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer ayaa nolosha ku qabtay ugu yaraan 2 Ka Tirsan oo ka soo baxsaday Alshabaabkii  xalay lagu laayey degaanka Ceel-Qaboobe oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Ragaan  waxaa maanta lagu qabtay degaan lagu magacaabo Howdley oo dhaca inta u dhaxeysa Ceeldheer iyo Xarardheere, kuwani waxay ka soo badbaadeen howlgal xalay xilli dambe lagu laayey in ka badan 60 alshabaab ah.

Alshabaabka  ay ciidanka Xooga  laayeen ayaa xalay isku dayday inay xeebaha gobolka Mudug kala soo degaan kiimikooyin halis badan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa, waxaana Raga la xasuuqay ku jiray horjoogayaal ajaanib ah oo kooxda ka caawi jiray sameynta qaraxyada ay dadkeenna ku laayaan Sida Dowladu Sheegtay.

Ad
Previous articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Ka Hadlay Weerarkii Xalay Lagu Laayay Alshabaab ee Ka Dhacay Xarardheere
Next articleDowlada Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo Maantay Maantay Muqdisho ka Daahfuray Mashruuc Cusub(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here