Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer ayaa nolosha ku qabtay ugu yaraan 2 Ka Tirsan oo ka soo baxsaday Alshabaabkii xalay lagu laayey degaanka Ceel-Qaboobe oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Ragaan waxaa maanta lagu qabtay degaan lagu magacaabo Howdley oo dhaca inta u dhaxeysa Ceeldheer iyo Xarardheere, kuwani waxay ka soo badbaadeen howlgal xalay xilli dambe lagu laayey in ka badan 60 alshabaab ah.
Alshabaabka ay ciidanka Xooga laayeen ayaa xalay isku dayday inay xeebaha gobolka Mudug kala soo degaan kiimikooyin halis badan oo laga sameeyo waxyaabaha qarxa, waxaana Raga la xasuuqay ku jiray horjoogayaal ajaanib ah oo kooxda ka caawi jiray sameynta qaraxyada ay dadkeenna ku laayaan Sida Dowladu Sheegtay.