Home Wararka Maanta Rag ka tirsan Alshabaab oo Baxsad ahaa oo lagu Qabtay Degaanada Galmudug

Rag ka tirsan Alshabaab oo Baxsad ahaa oo lagu Qabtay Degaanada Galmudug

0

Maalmihii Lasoo dhaafay Madaxda Alshabaab ayaa Bilaabay  inay isaga Baxaan Degmooyinka ceelbuur  iyo degaanada kale ee ay ka joogaan Galmudug ayagoo ka cabsi qaba inay wayaan markii uu dagaalku bilowdo meel ay maraan.

wararkaa aan ka helayno degmada ceeldheer ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaaya ina gacanta lagu dhigay Gaari ay wateen Madax kamid ahaa alshabaab oo dad shacab ah iska soo dhigay Horjoogayaal aan tiradooda lasheegin ayaa la sheegay inay gacanta u galeen Ciidamada Dowlada ee ku sugan Degmada Ceeldheere.

madaxdaan ayaa la sheegay inay kasoo baxeen deegaanka caad oo u dhow Degmada xarardheere Taas oo wali ay Alshabaab Maamulaan Gaarigaan oo ay wateen Alshabaab ayaa usoo Ganbiyay Jagboontiyada Magaaalada xarardheere ayaagoo soo maray Dhul howd ah balse xog ay bixiyeen dad shacab ahaa sahashay in ragaan iyo gaarigoodii lagu qabto Ceeldheere sida ay noo xaqiijiyeen laamaha Amnigu.

Alshabaab ayaa Haatan Dareemaaya Culays uga imanaaya Ciidamada Dowlada oo Xiray Wadooyinkii ay Alshabaab isaga Gudbi jireen Maamulada Hirshabeele iyo Galmudug Taas oo uu jaray Ciidamo uu Hogaaminaayo Isamaaciil Cabdi maalik oo dhawaan Loo magacaabay Taliyaha Guutada Khaalid Binwaliid.

Dhanka kale Maamulka Degmada Xarardheere ayaa Soo saaray Amar lagu xadidaayo Baabuurta Safarka ah ee usocda Xamar inaysan Socon karin wixii Ka danbeeya shanta Galabnimo sidoo kale aysan Mari karin Wadooyinka Qardajeexa ah sidoo kalana aysan socon karin habeen maamulkaan ayaana xaqiijiyay in Gacanta lagu dhigay Alshabaab Ku safraayay isakan Dhigay shacab.

Amarkaan ayaana Dhabar jab ku ah Alshabaabka Kusugan Galmudug oo aysan Jirin Meel ay u baxsan karaan Markii udagaalku Bilowdo.

Ad
Previous articleQaraxyo Alshabaab Gaysan Rabeen oo La Fashiliyay
Next articleCiidamadii ugu Badnaa oo Halmar Duulaan Qaada oo saakay Galmudug Ka Dhaqaaqay mudo 46 sano kadib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here