Home Wararka Maanta Rag hubeysan oo weerar ku qaaday xubna ka tirsan guddiga Doorashada kenya

Rag hubeysan oo weerar ku qaaday xubna ka tirsan guddiga Doorashada kenya

0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Kenya ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan guddiga oo isu diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha ee laga gudbiyay maxkamada sare la weeraray habeenkii isniinta.

Sida laga soo xigtay guddiga IEBC, kooxda weerartay shaqaalahooda habeenimadii isniinta ayaa hubaysnaa. “Maanta oo Isniin ah, taariikhduna tahay 22-ka Ogosto, 2022 abaaro 8:30 fiidnimo koox abaabulan oo sita hub ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan shaqaalaha IEBC ee diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha.” ayay guddiga ku ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen twitter habeenimadii Isniinta.

Hogaamiyihii hore Mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo kooxdiisa ayaa Maxkamadda ugu sarreysa u gudbiyay gal dacwadeed ka dhan ah doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya taas oo madaxweyne loogu doortay madaxweyne ku xigeenka hataan xilka haya ee Kenya, William Ruto.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa laashay guushii uu madaxweyne Uhuru Kenyata uu ka gaaray doorashadi 2017-kii, waxayna amar ku bixisay in doorashada markale la qabto.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleGudoomiyaha Golaha shacabka oo si xasaasi ah ug hadlay amniga Muqdisho
Next articleXeebaha Soomaaliya oo ka caagan sanado ka dib Kooxaha Burcad badeeda