Home Wararka Somaliya Rag Hubeysan oo lagu qabtay weerar ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Rag Hubeysan oo lagu qabtay weerar ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

0

Xubno la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Bar-koontorool oo ku taalla degaanka Xaawa Cabdi ee duleedka Muqdisho, halkaas oo laga ilaaliyo dhismaha wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen Ciidamada Haramcad & Al-Shabaab, isla markaana dadka degaanka ay dareemeen cabsi ballaaran oo la xiriirta inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

War kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa waxaa lagu sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay ka qabteen Saddex Nin iyo gaari ay wateen.

“Ciidanka Haramcad Ayaa Gacanta kudhigay Gaari NOHA iyo iyo Sedex Kamida Argagixisadii Weerar Kusoo Qaaday Bar kantorol oo Laga Ilaaliyo Wadada Isku Xirta Mugdisho Iyo Afgooye ayaa lagu yiri” War kasoo baxay Ciidamada Haramcad.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Xaawa Cabdi ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana isku socodka dadka, gaadiidka iyo Ganacsiga ay si caadi ah u Shaqeeynayaan.

Ad
Previous articleGudoomiyaha aqalka sare oo digniin ka soo saaray in Lagu Tunto Sharciga Dastuurka
Next articleMadaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Khilaaf soo kala dhexgalay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here