Home Wararka Maanta Qoyska ninka hubka dibadda uga soo iibin jiray Shabaab ee Dhawaan Laqabtay...

Qoyska ninka hubka dibadda uga soo iibin jiray Shabaab ee Dhawaan Laqabtay oo War lama Filaan ah Soo saaray

0

Qoyska Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo dhowaan ay gacanta ku dhigtay Hay’adda NISA ayaa war cusub kasoo saaray qabashada wiilkooda oo loo haysto kiis xasaasi ah oo ku aadan la shaqeynta kooxda Al-Shabaab.

Zakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo hadda u xiran dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inuu Al-Shabaab dibadda uga soo iibin jiray hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.

NISA waxaay sheegtay in muddo dheer ay ku daba-joogtay ninkan, balse hadda lagu guuleystay in lasoo qabto, xilli uu ku sii jeeday dhanka kooxda Al-Shabaab.

“Sakariye waxa uu ahaa maskaxdii ugu weyneyd koox isku xiran oo dalka dibaddiisa kasoo iibiyay saanad ciidan oo loo waday argagixisada, laguna soo dhex-qariyay shixnado ganacsi, kuwaas oo bishii May ee sanadkan ay ciidanka Hay’adda NISA ku qabteen dekadda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal ay horay u baahisay NISA.

Haddaba maxay qoyskiisa ka yiraahdeen arrinta wiilkooda?

Dahabo Xaaji Ciise oo ay ilmo adeer yihiin Kamaal Suufi Abba-Sheekh ayaa qoraal ay soo gelisay baraha bulshada ku sheegtay in la shirqoolay wiilkooda, sida ay hadalka dhigtay.

Gabadhan ayaa shaaca ka qaaday in Kamaal arrintiisa ay ka dambeeyaan ganacsato waa weyn oo shirqoolay xili uu ku sugnaa dalka Shiinaha, waxa ayna tilmaamtay dusha laga saaray kunteenaro hub iyo walxo qarxa ku jiray oo bishii May ee sanadkan lagu qabatay dekadda weyn ee magaalada  Muqdisho, kuwaasoo la sheegay in sii waday Al-Shabaab.

“Waxaa lacag badan u sheegay ganacsato kale oo u dirsaday inuu alaab uga soo qaado Shiinaha, taas oo lasoo marsiiyay dekadda Mombasa, kadibna ugu dambeyn lagu qabtay magaalada Muqdisho” ayay qoraalkeeda ku tiri Dahabo Xaaji Ciise.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in wiilkooda uu lahaa ganacsi, isla-markaana uu bariga Afrika keeni jiray alaabo uu ka keeno waddanka Shiinaha.

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”

Wararkii ugu danbeeyey duqaymo culus oo xalay lagu garaacay Daarunimca

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya duqeymo aan kala joogsi lahayn oo xalay ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Aadan Yabaal, taas oo argagax ku abuurtay dadka shacabka ah ee
Ad
Previous articleLaftagareen Soo Gaaray Dhuusamareeb iyo Ujeedka Safarkiisa(Sawiro)
Next articlePuntland oo Dagaalkii Shalay ka Dhacay Mudug ku eedaysay Madaxweyne Xasan Shiikh