Home Wararka Maanta Laftagareen Soo Gaaray Dhuusamareeb iyo Ujeedka Safarkiisa(Sawiro)

Laftagareen Soo Gaaray Dhuusamareeb iyo Ujeedka Safarkiisa(Sawiro)

0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusa’Mareeb ee Caasimada Dowladda Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) Madaxweyne ku xigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wasiirka Difaaca Dalka, Wasiiro, Xildhibaano iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Magaalada Dhuusa’Mareeb.

Lafta-gareen ayaa halkaasi kulamo kula yeelan doona madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo asagu halkaasi u jooga soo afmeerida wejiga koowaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaatay Mudug24, safarka Lafta-gareen ee Dhuusamareeb ayaa yimid ka gadaal culeyska siyaasadeed ee uu ka wajahayo mucaaradkiisa, islamarkaana uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb kula kulmay siyaasiyiinta ay is-hayaan Lafta-gareen.

Kulamada Xasan iyo Lafta-gareen ayaa waxaa lagu lafa-guri doona dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah iyo buuqa siyaasadeed ee ka taagan doorashada kursiga Lafta-gareen, xilli muddo kooban ay u harsan tahay.

Xasan oo iska lahaa dalabka u yeerista Lafta-gareen, ayaa muhiimad gaar ah siinaya sidii gulufka Al-Shabaab ka dhanka ah looga bilaabi lahaa Koonfur Galbeed, ayada oo saameyn ku yeelan hardanka siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi.

Sidoo kale kulamadaas kadib, Lafta-gareen ayaa waxa uu kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo ay ka wada-hadli doonaan sidii ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda iyo wada-shaqeynta labada dhinac

Lafta-gareen ayaa xilligaan wajahaya culeys siyaasadeed uga imaanaya siyaasiyiinta mucaaradka, kuwaasi oo doonaya in isbedel maamul uu ka dhaco maamulka Koonfur Galbeed, islamarkaana doorasho la aado bilaha soo socda.

Ad
Previous articleNISA oo Nairobi kasoo Xirtay Sufyaan Sheekh Axmed, {Taakeeye } kana Soo Dajisay Muqdiaho asagoo Xiran
Next articleQoyska ninka hubka dibadda uga soo iibin jiray Shabaab ee Dhawaan Laqabtay oo War lama Filaan ah Soo saaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here