Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Qorshaynaaya inuu Samaysto Mudo Kordhin(Xog)

Qoor Qoor oo Qorshaynaaya inuu Samaysto Mudo Kordhin(Xog)

0

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda maamulka Galmudug ayaa sheegaya in halkaasi ka socdaan qorshayaal la doonayo in muddo kordhin loogu sameeyo madaxweynaha iyo hay’adaha kala duwan ee maamulkaasi.

 

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa guddoonka baarlamaanka ku cadaadinaya in ay qabtaan mooshin ay diyaariyeen qaar kamid ah xildhibaanada maamulkaasi, si wax ka bedel loogu sameeyo dastuurka maamulkaasi.

Qoor Qoor iyo xildhibaanada ku dhaw dhaw ayaa doonaya in meesha laga saaro qodobka dhigaya in muddo xileedka maamulka Galmudug yahay afar sanno, waxaana qodobkaasi lagu bedelayaa in laga dhigo muddada xil heynta in ay noqoto shan sanno ah.

Baarlamaanka Galmudug ayaana la filayaa in kulan yeeshaan si looga doodo wax ka bedelka la filayo in lagu sameeyo dastuurka maamulkaasi , looguna sameeyo madaxweynaha iyo baarlamaanka muddo kororsi hal sanno ah.

Galmudug ayaa qorshahan kaga dayaneysa maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo iyagana dhankooda sameestay muddo kordhin hal sanno ah, kaddib markii wax ka bedel lagu sameeyay dastuurkii horey ugu degsanaa.

Dowladda federaalka  ayaan ku qanacsaneyn muddo kordhinta ay sameesanayaan madaxda dowlad goboleedyada, waxaana dowladda laga war sugayaa nidaamka ay u wajahdo ugana hortagto muddo kororsiga ay wadaan maamulada madaxdooda.

 

 

Ad
Previous articleDad Ka caraysan Dil Goordhow Muqdisho ka dhacay Wadada KM4 Xirtay
Next articleDowladda Norwey oo ka walaacsan gabar haysata dhalashada dalkaas oo soomaaliya lagu dilay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here