Home Wararka Somaliya Galmudug Qoor Qoor oo Ku Wajahan Degaan ka Tirsan Galmudug oo Ay ku...

Qoor Qoor oo Ku Wajahan Degaan ka Tirsan Galmudug oo Ay ku Dhinteen inka Badan 60 Qof

0

Madaxweyne Qoorqoor oo maanta tagaya deegaanka Laandheer ee lagu dagaallamay.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta kormeer nabadraadineed ku tagaya deegaanka Laandheer oo ka tiraan degmada CaabudWaaaq ee gobolka Galgaduud.

Safarka madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa daarran sidii loo dhammaystiri lahaa qorshe nabadayn ah oo la doonayo in lagu soo dabbaalo deegaankaasi iyo dadyawga oodwadaagta ah, halkaasi oo maalmo ka hor uu dhacay dagaal lagu riixday oo ay dhinteen dad ka badan 60 ruux, tiro intaasi ka badanna ay ku dhaawacmeen.

Dagaalkaan oo u dhaxeeyey mellayshiyaad beeleeddo ka soo jeeda Caabudwaaq iyo Xeraale ayaa salka ku haya kala shexeexaysi xagga daaqa iyo deegaanka, mana ahan markii ugu horraysay oo halkaasi dagaal ka dhaco, waxaana horay sidaasi oo kale ugu dhintay dad ku dhaw labaataneeyo ruux.

Madaxweyne Qoorqoor iyo waftiga uu hoggaaminayo ee halkaasi ku wajahan ayaa qorshaynaya in xal waaro laga gaaro colaadda soo laalaabtay, inkasta oo ay muddo badan u baahantahay maaro-u-helka mushkiladdaasi.

Horay arrinka colaaddaasi waxaa uga hawlgalay guddi heer xukuumadeed oo Galmudug ah, kuwaasi oo uu magacaabay madaxweyne Qoorqoor habeenkii ka dambeeyey maalintii uu dhacay dagaalku uu dhacay.

 

Ad
Previous articleGalmudug oo Maantay si Rasmi ah loogu Soo Kordhiyay Sadex Degmo oo Cusub
Next articleMadaxweyne Qoor Qoor oo Gaaray Deegaanka Laandheer oo Ay Ku dhinteen Ku dhawaad 60 Qof(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here