Home Wararka Maanta Qoor Qoor oo kahor yimid Qoraalkii kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka

Qoor Qoor oo kahor yimid Qoraalkii kasoo baxay Guddiga Doorashooyinka

0

Maamul goboleedyada siyaasad ahaan taageersan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday qaarkood ayaa kasoo horjeestay qoraalkii kasoo baxay guddiga doorashooyinka ee lagu muddeedyay xilliga dhaarinta xildhibaanada cusub.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu sheegay in qoraalkii kasoo baxay guddiga doorashooyinka heer federaal uu baalmarsanyahay heshiisyadii doorashooyinka ee horey loo gaaray.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in guddiga doorashada heer federaal in ay qaadeen tallaabo ka baxsan awoodododa, waxa uuna cadeeyay inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.

”Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal waxay qaadeen tallaabo ka baxsan awooddooda, waxeyna kasoo horjeedaa heshiiyadii iyo habraacyadii Doorashooyinka, hadaba, Dowladda Galmudug waxay cadeyneysaa inaysan aqbali doonin jadwal iyo go’aamo aan kasoo bixin Madasha Wadatashiga Qaranka.” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ugu dambeyn ka digay wax kasta oo caqabad ku noqon kara dhameystirka hannaanka doorashooyinka,  waxa uuna sheegay go’aamada nuucaan ah in ee leeyihiin gollaha wadatashiga Qaran.
Go’aankan kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug ayaa la tuhmayaa in ay gadaal ka riixeyso Villa Soomaaliya oo mar kale rabta in la abuuro jahwareer siyaasadeed si mar kale dib loogu dhigo doorashada Madaxweynaha .
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sidaan oo kale uga horyimid go’aanka kasoo baxay guddiga doorashooyinka, waxaana la filayaa in isna go’aankan ku taageero saaxiibadiis Madaxweynaha maamulka Hirshabelle.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleMadaxweynaha Ukraine oo sheegay in NATO aysan Difaaci karin Xitaa kuwa ka tirsan
Next articleQaramada midoobay oo Maalin Gooni ah u Astaysay Ladagaalanka Islaam nacaybka