Home Wararka Maanta Qodobada heshiiska Putin iyo hoggaamiyaha Wagner

Qodobada heshiiska Putin iyo hoggaamiyaha Wagner

0

Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa ka tegi doona Ruushka, mana wajihi doono wax dacwado ah kadib markii uu baajiyey duullaankii ciidankiisa ee Moscow, waxaa sidaas sheegay Kremlin-ka.

Khilaafka madaxa Wagner Yevgeny Prigozhin iyo hoggaanka militariga Ruushka ayaa rabshad isku beddelay Sabtidii, ayada oo ciidamadiisa ay qabsadeen xarun militari oo ku taalla koonfurta Ruushka, kadibna u dhaqaaqeen dhinaca waqooyi ee caasimadda.

Hase yeeshee, waxaa xalay lagu dhowaaqay heshiis, ayada oo Kremlin-ka uu sheegay in Yevgeny Prigozhin uu tegi doono dalka Belarus, halka Ruushka aysan maxkamadeyn doonin isaga iyo ciidankiisa.

Kahor warka kasoo baxay Kremlin-ka, Prigozhin ayaa si lama filaan ah ugu dhowaaqay in ciidamadiisa ay diba uga laaban doonaan Moscow, oo ay ku noqon doonaan xerooyinkooda, si looga fogaado dhiig ku daata caasimadda Ruushka.

Prigozhin ayaa sheegay inuu dareesan yahay muhiimadda xilligan, islamarkaana aanu dooneyn “inuu daadiyo dhiigga Ruushka.”

“Waxay doonayeen inay kala diraan shirkadda militari ee Wagner. Waxaan 23-kii June billownay socodka cadaaladda ee aan ku tageyno Moscow. 24 saac gudahood, waxaan 200 km u jirsanay Moscow, innaga oo aan xitaa ridin hal xabbad,” ayuu Prigozhin ku yiri farriin cod ah.

“Hadda waxaa timid daqiiqaddii dhiiggu daadan lahaa. Innaga oo fahansan … in dhiigga Ruushka uu daadan karo, waxaan go’aansannay inaan dib ugu laabanno xerooyinkeena.”

Saacadihii hore ee Axadda maanta ah, Wagner ayaa billowday inay ciidamadeeda kala baxdo magaalada Rostov, halkaasi oo ay Sabtidiii qabsatay xarumo militari.

Hase yeeshee kahor inta aanay bixin, dadka deegaanka ayaa ku qaylinayey “Wagner! Wagner!” ayaga oo ku sugan dibedda xarumaha ay qabsadeen.

Mas’uuliyiinta gobolka Koonfurta Ruushka ee Lipetsk ayaa billaabay inay qaadaan xayiraadaha ay soo rogeen kadib markii Wagner, oo horey gobolka usoo galay, ay ku dhowaaqeen dib u gurasho. 

Hoggaamiyaha Belarus Alexander Lukashenko ayaa sheegay inuu xabad-joojin kala xaajooday Prigozhin, taasi oo Moscow ay uga mahad-celisay.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa goor dambe weriyayaasha u sheegay “Kiis dambiyeed ka dhan ahaa Prigozhin waa laga laaban doonaa. Isagana wuxuu aadi doonaa Belarus.”

Ad
Previous articleDeni oo Xilka Ka Qaaday Taliyihii Hogaaminaayay Taliyihii Ciidamadii Garowe Kula Dagaalamay xilalna Ku Tixay Beesha Garowe Dagta
Next articleMaxkamadda Ciidamada oo xukuno ku riday Sedax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here