Home Wararka Caalamka QM oo shaacisay Tiradii ugu Badnayd oo Tahriibayaal ah ku dhinteen marinada...

QM oo shaacisay Tiradii ugu Badnayd oo Tahriibayaal ah ku dhinteen marinada Yurub

0

In ka badan 3,000 oo qaxooti ah, tahriibayaal iyo magangalyo doon ah ayaa ku dhintay marinnada Mediterranean-ka iyo badda Atlantic-ga sannadkii hore, iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga Adduunka Jimcihii.

Kumanaan Afrikaan ah ayaa sannad walba safarro dheer oo halis ah ku taga Yurub iyagoo inta badan kasii gudba Saxaraha.

Tahroobayaasha intooda badan waxay ka baxaan xeebaha woqooyiga Afrika iyagoo raacaya doomo yaryar oo macmal ah, waxaana dadkaasi ka cararayaan dhibaato, iyaga oo raadinaya nolol dhaanta tan ay ku sugan yihiin.

Sannadkii hore, UNHCR waxay sheegtay in 3,077 qof ay dhinteen ama la la’yahay, taas oo ku dhow labanlaab tirada 2020-ka.

“Waxaan arkeyna tirada dhimashada oo aad u sii kordheysa” ayay tiri Shabia Mantoo oo ah madaxa UNHCR oo shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Geneva. “Waa wax laga naxo.” ayay raacisay.

Ilaa hadda sanadkan 2022, 553 oo qof ayaa lasoo wariyay inay dhinteen ama la la’yahay, iyaa oo intooda badan ku dhinteen marinka Bartamaha Mediterranean-ka, sida ay xogtani muujisay.

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay

Dowladaha Itoobiya iyo Israa’iil oo iska Caawinaya la dagaalanka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta

Dowladda Israa’iil ayaa Itoobiya ka codsatay inay iskaashi ka sameeyaan la dagaalanka argagixisada Bariga Dhexe iyo Afrika, iyagoo argagixisada ku tilmaamay cadow ay wadaagaan labada dal. Shir jaraa’id oo ay

Nin Qof Shacab ah Dilay oo lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Booliiska Somaliland ayaa Khamiistii soo qabtay nin lagu eedeynayo inuu qof kale ku dilay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa. Qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Ciidanka Booliiska ayaa lagu

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku
Ad
Previous articleNin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu sheegay inuu “Jeer ku qalday”
Next articleXarunta Golaha Shacabka oo laga soo sheegayo Buuq iyo Xaalada Kacsanaan ah