Home Wararka Caalamka Nin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu sheegay ...

Nin cadaan ah oo toogtay haweenay madow ah oo uu sheegay inuu “Jeer ku qalday”

0

Nin 77 jir caddaan ah oo u dhashay Koonfur Afrika ayaa Khamiistii maxkamadda horteeda ka qirtay in uu toogtay oo uu dhaawacay haweeney madow ah isaga oo sheegay in uu ku qalday jeer, sida ay booliisku sheegeen.

“Eedaysanaha la xiray wuxuu rasaas ku furay haweenayda madowga ah oo uu sheegay inuu ku qalday jeer,” afhayeenka booliska Mamphaswa Seabi ayaa sidaasi ku yiri warbixin uu soo saaray.

Ramokone Linah oo 38 jir ah ayaa waxa ay dhaawacyo ka soo gaareen rasaas uu ku furay ninkan cadaanka ah”, sida ay booliisku sheegeen.

“Eedeysanaha ayaa iska lahaa beerta shilku uu ka dhacday,” ayuu yiri Mashudu Malabi-Dzhangi, oo ah afhayeenka NPA ee gobolkaas.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa caadiyan caro ka dhex abuura dalkaas halkaas oo kala qaybsanaanta qoomiyadaha ay weli ka jirto 28 sano kadib markii uu dhamaaday xukunkii midab-takoor ee caddaanka.

Ad
Previous articleQarax xoogan oo Lala eegtay Konayl Saneey Cabdulle iyo Saraakil badan oo ku Dhimatay
Next articleQM oo shaacisay Tiradii ugu Badnayd oo Tahriibayaal ah ku dhinteen marinada Yurub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here