Home Wararka Maanta Qatarka COVID-19 oo wili dunida ka taagan

Qatarka COVID-19 oo wili dunida ka taagan

0

Sarkaal sare oo ka tirsan Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in la joogo waqtigii dib u eegis dhab ah lagu samayn lahaa faafitaanka Covid, ka dib markii la diiwaangeliyay sanadkan hal milyan oo dhimasho ah, taasi oo uu sababay cudurka.

Madaxa kooxda farsamada Ururka Caafimaadka Adduunka Maria Van Kerkhove, ayaa tiri:  “Maadaama aan ku jirno sannadkii saddexaad ee la tacaalidda cudurka faafa ee Covid-19, waxaana aad ugu murugeysanahay inagoo haysanno qalab si dhab ah looga hortagi karo faafitaanka xanuunkan iyo wacyigalin joogta ah, iyadoo loo marayo kanaalada warbaahinta bulshada haddana qaar badan oo naga mid ah ayaa u dhimanaya xanuunkan, waxaan u baahanahay dib u eegis dhab ah oo lagu sameeyo Covid-19, waxaan u baahanahay inaan qiimeyno dhibaatada xanuunkan, ma ahan inaan ku jirno xaalad ay 14,000 ilaa 15,000 qof ku dhintaan toddobaad kasta”.

Maria Van Kerkhove ayaa Carrabka ku adkeysay in cudurka uusan wali dhamaan, balse la soo afjari karo iyadoo dadku ay sii wadan karaan nolol maalmeedkooda.

Ad
Previous articleWMO oo ka digtay Xaalada Soomaalia soona saartay Warbixin cusub oo halis ah
Next articleWararkii ugu Danbeeye ee puntland Deni oo laba shardi oo adag hor dhigay Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here