Home Wararka Caalamka Qatar oo si weyn uga faa’iiday dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine

Qatar oo si weyn uga faa’iiday dagaalka Ruushka uu ka wado Ukraine

0

Maalmo kadib markii uu Ruushka yareeyay gaaska uu ka iibiyo Talyaaniga, ayaa shirkadda Eni ee laga leeyahay dalkaa waxa ay maanta heshiis la gashay dalka Qatar.

Heshiiska ayaa khuseeya ballaarinta goobaha ay Qatar ka soo saarto shidaalka dabiiciga ah, waxaana sidoo kale qeyb ka ah shirkadda Total ee laga leeyahay Faransiiska.

Ruushka ayaa dhimay gaaska uu ka iibiyo Talyaaniga iyo Faransiiska, kadib markii mas’uuliyiin ka socda waddamadaas ay gaareen caasimadda Kyiv, si ay Ukraine ugu muujiyaan taageeradooda ku aaddan ku codsiga xubinnimada Midowga Yurub.

Qorshaha Qatar ayaa ah in ballaarin ku kacaysa 28 bilyan oo dollar lagu sameeyo aaggaas uu ku jiro gaaska ugu badan dunida. Waxaa sidoo kale la filayaa in shirkado kale oo ka shaqeeya tamarta ay ku soo biiraan mashruuca.

Qorshahan ayaa sii xoojin doona kaalinta Qatar ee ah dalka gaaska dabiiciga ah ee ugu badan dibedda u dhoofiya, waxaana la filayaa in mashruuca cusub uu gaaska ugu horreeya soo saaro sanadka 2026.

Madaxa shirkadda Eni, Claudio Descalzi, ayaa sheegay in shirkaddiisa ay qaadatay saami dhan 3.12% mashruuca ballaarinta.

Yurub ayaa doonaysa inay mustaqbalka ka maaranto gaaska dabiiciga ah ee Ruushka oo ay hadda dalalkeedu isticmaalaan 40%.

Shirkadaha Total, Exxon, Shell, Eni iyo Chevron ayaa Qatar u soo bandhigay fursado ay ku maalgashan karto ganacsiyada ay ku leeyihiin dibedda.

Ruushka ayaa dhankiisa faa’iido xooggan ka helay tamarta uu iibiyo, waxaana daraasad la sameeyay lagu ogaaday in boqolkii maalmood ee u horreeyay duullaanka Ukraine ay xukuumadda Moscow gaaskeeda iyo shidaalkeeda ka macaashtay boqol bilyan oo dollar.

Waddamada Yurub ayaa culays xooggan kala kulmaya tamarta uga timaada Ruushka, maadaama ay xukuumadda Moscow rabto in lacagteeda roubles looga iibsado gaaska iyo shidaalka, taasoo caqabad ku noqon karta cunaqabateynta ay dalalka Galbeedka saareen Ruushka.

Gaaska Ruushka

Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, dowladda Jarmalka ayaa joojisay mashruuca dhuumaha Nord Stream 2 ee lagu waday in Moscow ay gaaska ku gaarsiiso Jarmalka, ugana sii gudbo Yurub inteeda kale. Arrintaas ayaa dhalisay walaac ah in Yurub ay wajihi doonto gaas yari baahsan.

Qiimaha gaaska ee Yurub ayaa aad sare ugu kacay bilihii la soo dhaafay, waxaana dowladaha uu cadaadis ka soo fuulay qoysaska dakhligoodu hooseeyo.

Yurub ayaa ilaa haatan iibsata shidaalka iyo gaaska Ruushka, inkastoo ay sheegtay inay dhimayso ku tiirsanaanta dalkaas.

Sanadkii la soo dhaafay, kharashaadka ay bixisay dowladda Ruushka ayaa 36% ka yimid dhakhliga tamarta.

Lacagtaas u soo xarootay ayaa inteeda badan waxaa bixiyay Midowga Yurub oo 40% gaaska ka hela Ruushka halka 27% shidaalkana uu ka soo dhoofsado waddankaas.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee ururkaas, Josep Borrell, ayaa dhawaan sheegay in “maalintiiba ay bilyan Euro dhakhli ahaan u siiyaan Ruushka”.

Ad
Previous articleP.M Xamse Bare oo Bilaabay In Xildhibaanada uu ula Kulmo Qaab Xirfadaysan si Codka kalsoonida u Waydiisto
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo gaaray imaaraadka Carabta (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here